LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sidee lacag uga samayni karta Internetka(Passive Income)

 


Wakhtigan hadda loogu jiro waxaan odhan karaa waa kii ugu wanaagsan ee soo mara aadamaha waayo waa xilli ay aduunyadii digital nogotay. Maanta wadankeeni marka eegtid above 80% dhalinyaradeeni waa bilaa shaqo yagoo haysta shahaado jaamacadeed ma is waydiisay sababta? jawaabtu waxa waaye wadanka shaqada way ku yartahy dhalinyaradiina iskuma dayayso waxa la yidhaahdo passive income oo ah ku shaqayso adigoo gurigaa jooga. Maanta waxa idinla wadaag 5 qaab aad ku samayni kartid passive income adigoo jooga gurigaaga just laga rabo inaa haysto mobile/computer iyo internet.


1. Blogging

Hadaa jeceshahy ama xiisaysid  inaa wax qorto ka waran hadaa ku yidhaahdo qoraalkaga lacag baa ka samayni karta adigo blogging samaynayo. Hadaba si aad lacag uga samaysid blogging waa inaad raacda steps kan:-
  1. Waa inaad doorata topic aad rabtid inaad ka hadashid(choose a niche)
  2. dhis meesha bloggingka ka samaynaysid wxa ka mid Blogger ama Wordpress.
  3. Waa inaad wx usoo qortaa si joogta ah.
  4. Finally waa inaad monetize garysa blogs kaaga.



2. Affiliate Marketing   

Affiliate Marketing waxa waaye markaa aad iibinaysid alaab aanad lahayn oo company kale leeyahy laakin aad lacag ku qaadanaysid qof kaste iibsada alaabta isago isticmaalaya linki gaaga. Hadaba waxa la odhan kara affiliate marketing waa fudayd markaa aad fahansantahy siduu uu shaqeeyo.

Anigu maanta hadaa bilaabayo affiliate marketing waxaan raaci lahaa process kan si aan uga shaqeeyo lacag badan laakin maaha qasab inaa tayda raacdid uun.

  1. Waxaad doorata alaabta rabtid inaa iibisid.
  2. Dooro mid ka mid ah dooro programs bixiya affiliate marketing sida click bank iyo amazon.
  3. Advertisement uu samee si ay uu qaado dad badan.
  4. Waa inaad la socota waxay dadku rabaan inay iibsadaan.


3. Freelancer

waxaad lacag ka samayni karta websites ka sida Upwork iyo Fiverr etc Goobahani waxay bixiyaan fursado ay ku qabtaan shaqooyin Freelancing ah oo kala duwan..

Ma leedahy xirfad qaar oo aad ku shaqaysan karta hday haa tahy waxaan kula talinaya inaad nogoto freelancer waayo waa loo baahan yahy haday nogoto freelancers haday nogoto companies iyo indivual. Freelancer inaa nogoto ma fudada siday ay uu muuqata waa inaad uu samirta si aad uu hesho clients waa bussiness uu baahan samir badan.


Haddii aad rabto inaad ku guulaysato Freelancing ka. Waxaad u baahan doontaa inaad barato sida loo suuqgeeyo naftaada si aad u hesho macaamiisha suurtagalka ah, bixiso taageero badan.


4. Content Creator

Ma ogtahy inaad lacag ka samayni kartid youtube, facebook iyo tiktok adigoo samaynaya waxa la yidhaahdo content creator. Waa run ma sahlana inaa nogoto content creator waxay kaaga baahantahy wakhti iyo samir badan laakin hadana waxay kusoo xaraynaysa lacag badan.

Lacagaha samaynaysid markaa tahay content creator waxeey ku xirantahy mowduuca aad ka hadasho oo muuqaladaada ku saleeysan yihiin, hadii kanaalka ku koobanyahay Pranks ama Reaction & Qofkale oo Kanaalkiisa ka hadlo Personal Finance ama Technology isku mid ma noqoneysan oo waka dakhli badan karaa.



Maaha inaad  video iska soo duubtid si aad uu nogoto content creator balse waxaad samayni karta waxa la yidhaahdo faceless content creator.


5. Cryptocurrency

Cryptocurrency waa inaad maalgashato ama ku trade garayso  lacago digital ah taaso wakhti badan qaadanaysa si aad lacag uga faaiido.Website binance.com ayaa ah kaga ugu fiican aad ku samayni karto bussiness kan.



CONCLUSION

Inaad Internetka lacag ka sameeysaa waxeey kaaga baahantahay juhdi & dadaal dheeraad ah inaa la timaado, oo aad waqtigaaga galisoo sidaad ku gaari laheeyd hadafkaas, arinta wanaagsan ayaa waxeey tahay Internet-ka waxaad lacag ka samayn karta adigoon wax maalgelin ah sameeyn.

Hababkaan aan kula wadaagay midkee ku fikiraysaa inaad bilaawdo ama horay u hirgalisay, fikirkaaga nagula wadaag Qaybta Faalooyinka hoose, adigoo magacaaga iyo meshaad ku nooshahy ka bilaabaaya.


THANKS.


Post a Comment

0 Comments