LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Sidee Guul loo Gaadhaa?



Way adagtahy in qof ka jawaabo su'aasha ah sidee guul loo Gaadha ama how to be successful person? laakin ani waxa kaga jawaabaya hadalki uu yidhi Dr.Richard oo ah doctor aduunka ka caan ah wuxu yidhi. Maalin anoo diyaarad saaran agtaydana waxa fadhiday gabadh yar oo iskoolka sare dhigata,kana soo jeeda qoys faqiir ah, Waxayna rabtay inay wax ka badasho xaalka qoyskeega. Waxayna ii waydiisay; sidee guul loo gaadho??  Ana waxan dareemay xanuun badan, Maxaa yeelay maan awoodin inaa siiyo jawaab sax ah oo dhamaystiran. Waxaan go'aansaday markaa diyaarada ka dago inaan raadiyo dad gaaray Guul iyo horumar aana waydiiyo su'aashii ay gabadha yar ii waydiisay? 7 sano ka dib iyo 500 qof oo aan waraystay oo aan isleeyahy guul iyo horumar ayay gaadhen waxa iga soo baxday hadalkooga in guul loogu gaadho arimahan soo socda:.

1- Hilow iyo rabitaanka:-  Hilowga iyo rabitaanka  inaad gaadho guul iyo horumar inuu qofku shaqada qabto oo uusan ka seexan, ka dhib-dhicin. Dadka jecel inay Guul gaaraana uma shaqeeyaan inay helaan lacag oo kali, ee waxay u dadaalaan inay shaqadooda ku raaxaystaan, kadibna waxay isla helaan Guul iyo Maal badan.


2- Shaqo:- Guul oo dhan waxa saldhig uu ah shaqo si fiican loo dhamaystiray, wax bilaash ama raaxo ku yimaada maba jiraan haday jiri lahyd wax dhib yar loogu helo hada umada oo dhan waxay noqon lahyd dad lacag badan hysta. Ha uu shaqayn si aad lacag  uu hesho balse uu shaqee si aad wax usoo kordhiso bulshada iyo dadka ka dib yadaa lacagtu kusoo doonanaysa.

3- Hadafkaaga beegso:- Waxa muhiim ah inaad leedahy hal hadaf oo aanad yeelan 10 hadaf oo isleedahy mar kliya gaadh aan kuu sheege midna ma heli doontid oo gaadhimaysid.Balse hal hadaf ku seexo kuna soo jeed.

4- Cadaadinta naftaada:- Naftaada ku cadaadi siday hor ugu socon lahayd markasta iyo sikastaba. Haka-shakinin hana ka-xishoonin hadafkaaga magac dhawgiisa iyo ku celcelintiisa. Naftaadana ha mahadinin, hubsana inaada wali gaarin meeshii u saraysay, u qiimaha badnayd, markasta sii raadi meel ka saraysa meesha aad hada joogto. 6. Dadka u adeeg, una qabo wax qiima leh, taasina waa jidka ugu gaaban ee Guul lagu gaaro. Kaligii noolade ama dantii raadiye meel dheer magaaro, oo qofka naftiisa uun kafikiraya hadafkiisu aad buu ugaaban yahay. Qofka meel dhaw ku socdaana dhakhsuu daalaa, halka qofka meel dheer ku socdaa, daalka uusan xasuu-sanayninba.

5- Samee Fikrado cusub:- hana sugin sixir ama wax hal jeer kugu soo daga oo Guul weyn kugaarsiiya. Guushu waa fikrado yaryar oo laysku daray, lagu celceliyay, lakobciyay, oon laga daalin.

6- Ha is dhiibin:- dadaalkii aad soo waday, xattaa haday kaa hortimaado guul darro, ama dadka shaqo la ?aanta ahi ku caayaan. Waxaadna ogaataa inay guul darradu dhasho Guul qiimo badan, tahayna hor-dhicii guusha weyn, hadaad ka-hartase waxaad noqonaysaa qof cumrigiisii khasaariyay.
Ninka iska leh shirkada ali baba  ayaa yidhaahda Today is hard tomorrow will be harder the day after tomorrow will be easy taaso ah maanta way adagtahy beritoole way ka adkanaysa laakin saandambe way fudaanaysa laakin most of the people waxay si dhiiban Beritoole.

Tilmaamahas waa kuwa ugu fudud aad ku gaadhi kartid guul balse ma jirto wax la yidhaahdo guul fudud baan gaadhaya taasina waa wax ka hor imanaysa caqliga saliimka ilaahay waxa uu noo siiyay caqliga si aan ugu fikirno oo aan wax cusub ugu samayno. Laakin umada somaliyeed waxaa moodaysa in ay fudayd badan yihiin oo waxay rabaan in ay si dhib yar uu gaadhan guul



Dhamaad


 

Post a Comment

0 Comments