Macalin wanaagsan noqoshadiisu waxay uu baahantahy xirfado badan oo kala duwan, kuwaas oo markay isku tagaan sababaysa ardaygu in helo deegan waxbarasho ah oo dhiirigelin leh. Halkn waxaan kusoo sheegayaa 7 talaabo oo aad ku noqon karto Macalin wanaagsan.
1. Xirfadaha isgaarsiinta(Communication)
Macalinka wanaagsan waa inuu lahaada xirfado isgaarsiineed oo heer sare ah. Tani waxay ka dhigan tahy inuu si cad oo sahlan ugu gudbiyo fikradaha iyo maadooyinka uu dhigayo. Waxa sidoo kale muhiim uu tahy inuu uu dhiirigeliyo ardeyda inay is waydaarsadaan fikradaha iyo su'aalaha si xor ah ama ay cabsi ku jirin.
2. Dulqaad iyo samir
Arday walba waxay leedahy heerkeeda waxbarasho iyo faham gaar ah. Macalinka wanaagsan waa inuu fahmo arday kaste oo uu dulqaato heerarkooda kala duwan. Is dulqaadku iyo samirku waxay caawinayan inay ardaydu horumar sameeyan iyaga oo aan ka niyad jabin waxbarashada.
3. Diyaargarow Wanaagsan
Diyaargarowga wanaagsan waa aasaaska guusha macalinka. Waa in macalinku diyaariyo casharada uu dhigayo, agabka waxbarashada, iyo qorsheyaasha fasalka si fiican oo nidaaamsan. Tani waxay ka caawisaa macallinka inuu maareeyo wakhtiga fasalka isla markaana ka fogaado jahwareerka.
4. Isticmaaalka Hababka kala duwan ee waxbarida
Ardaydu waxay wax ku bartaan siyaabo kala duwan. Qaarkood waxay ka faa'iideystan sawirada, kuwo kale waxay ka faa'iidaystan maqalka ama wax-qorista.
Macalinka wanaagsan waa inuu adeegsadaa habab kala duwan oo waxbarid si uu u daboolo baahiyaha kala duwan ee ardeyda.
5. Dhiirigelinta Ardayda
Macalinka wanaaagsan waa inuu noqda qof dhiirigelin leh. Waa inuu abuuro jawi ardaydu ku dareeman inay wax qabsan karaan oo uusan welwel ku dhicin hadii ay khalad sameeyan. Dhiirigelintu waxay horseedi kartaa kobcinta kalsoonida ardayda iyo rabitaankooda waxbarasho.
6. Dhegeysiga iyo la-tashiga Ardayda
Macalinka wanaagsan waa inuu baro sida loogu baaahan yahy inuu dhaqaysto ardayda. Hadii ardaydu dareemo in codkiiso la maqlo, waxaa kor uu kacaya isdhexgalka iyo xiisaha waxbarasho. Dhegeysigu wuxuu kaloo ka cawiyaa macalinka inuu fahmo caqabadaha ay ardaydu la kulmaaan.
7. Si joogto ah u xaqiiji Horumarkaaga shaqo
Macalinka wanaagsan waxuu mar walba ku dadaaala inuu horumariyo xirfadiisa macallinimo. Waa inuu ka qayb qaata tababarro, akhriyo buugaag waxbarasho, isla markaana raadiyo habab cusub oo casri ah oo waxbarid si uu noqdo qof la jaanqaadi kara isbedellada cusub ee dhanka waxbarasha.
Macalinka wanaagsan wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa nolosha ardayga, wuxuuna uu diyaariyaa mustaqbal ifaya. Hadii aad ku dhaqanto 7-daan talaabo, waxaad uu dhowdahy inaad noqoto macalin dhaxal gal ah oo waxtar leh.
dhamaad
0 Comments