Guusha qofeed waxay si dhow ula xidhiidhaa sida uu qofka maalin walba uga faa’iidaysto waqtigiisa. Hab-dhaqameedka maalinlaha ah wuxuu xuddun u yahay sida aad u qorshayso, u qabato shaqooyinka muhiimka ah, iyo sida aad uga guulaysato caqabadaha ku horyaalla. Haddii aad rabto inaad sare u qaaddo wax-soosaarkaaga iyo guulahaaga shaqsiyeed iyo kuwa xirfadeedba, ku dhaqanka hab-dhaqameed maalinle ah waa muhiim. Halkan waxaa ku jira qaar ka mid ah talooyinka kaa caawin kara inaad yeelato hab-dhaqameed aad ku gaadho guusha maalin kasta.
1. Bilawga Maalinta: Subaxdii Si Wanaagsan u Bilow.
Subaxda waa xilliga ugu muhiimsan ee maalinta. Sidaad u bilowdo waxay saamayn weyn ku leedahay sida maalintu kuu socoto. Si habkaaga maalinlaha ah uu noqdo mid guul leh, ku dadaal inaad si waqti hore ah u kacdo, oo aad hesho waqti aad diiradda saarto naftaada. Tusaale ahaan, 15-30 daqiiqo oo jimicsi ah subax kasta waxay kaa caawin kartaa inaad dareento tamar, firfircooni, iyo maskax furan.
2. Deji Hadaf Maalinle Ah.
Qof guulaysta waa mid leh hadaf cad. Markaad subaxda kacdo, qoro hadafka aad rabto inaad gaadho maalintaas. Inaad qorto shaqooyinka ugu muhiimsan ee maalintaas waxay kuu sahlaysaa inaad fahanto meesha ugu weyn ee aad xoogga saari doonto iyo waxa kaa caawin doona inaad hormar gaadho.
3. Mudnaanta Siinta Shaqooyinka Muhiimka ah.
Waxaad haysataa waqti kooban oo maalinta ah, markaa muhiim ayay tahay inaad mudnaanta siiso shaqooyinka ugu muhiimsan. Shaqooyinka muhiimka ah marka hore qaban, kuwaas oo hormar weyn kuu samayn kara. Iska ilaali inaad waqti ku lumiso shaqooyin aan muhiim ahayn oo maalin kasta dib ugu dhacaya.
4.Caafimaadkaaga Ka Shaqeey.
Haddii aad rabto guul waarta, caafimaadkaaga waa inaad mudnaanta siisaa. Cunto caafimaad leh oo dheellitiran iyo jimicsiga joogtada ah waxay taageeraan tamarta iyo maskaxda. Cuntooyinkan waxay sare u qaadaan feejignaantaada, oo kaa caawinaya inaad shaqooyinka si fiican u qabato. Sidoo kale hurdo kugu filan ayaa muhiim ah, si aad ugu kacdo subax kasta tamar iyo maskax nadiif ah.
5. Is-Xisaabin Maalinle ah.
Habka aad maalin walba u noloshaada u maamusho waa muhiim. Ugu dambaynta maalinta, waqtiga qaado si aad isku qiimeyso oo aad dib u eegto waxa aad qabatay. Ma gaadhay hadafkii aad dejisay subaxnimadii? Haddii ay jiraan caqabado soo baxay, sidee ayaad uga maarmi kartaa berrito? Is-xisaabinta waxay kaa caawinaysaa inaad baratid meesha aad ka liidato iyo sida aad u horumariso.
6.Nasashada iyo Waxtarinta Waqtigaaga Firaaqada.
Maalintaada dhexdeeda, waa muhiim inaad waqti u qaaddo nasasho. Waqti yar oo aad nasato waxay maskaxdaada u ogolaanaysaa inay si fiican u shaqeyso oo ay hesho firfircooni cusub. Nasashada si waxtar leh u qaado, adoo samaynaya waxyaabo aad jeceshahay sida akhriska, socodka, ama sheekaysiga qoyska iyo asxaabta.
Fiiro gaar ah:
Waxaas oo dhan waxa ka horeeya inaa ilaahay talo saarato oo aad salaadaada iyo waajibka la kugu leeyahy iska qudo.
Dhamaad.
0 Comments