Si aad uu wanaajiso website kaaga waxa weeye inaad hagaajiso ama kor uu qaado SEO website kaaga hdaba suaashu waxa weeye waa maxay SEO? SEO waxa loo soo gaabiyay Search Engine Optimization oo ah inaad wanaajiso website ama blog gaaga si waafaqsan Makiinada raadinta(Search Engine) si uu website kaagu uu ka mid noqdo kuwa ugu horeeya ee natiijada raadinta.
Hadaba markaste aad iska hagaajiso SEO website kaaga waa markaste oo uu helo dad badan websitekaagu, Halkan waxa ila wadaagaya talaabooyin muhiim ah si aad uu wanaajiso SEO.
1) Soo bandhig qoraallo muhiim ah oo waxtar leh.
Search engine-nada oo ka mid tahy Google iyo kuwa kle waxay jecelyihiin booga ama website yada bixiya macluumaad iyo xogo muhiim ah oo ka jawaabaya suaalaha akhristuhu rabo inuu ogaado.
Tani waxay la micno tahy hadii aad rabtid inaad hagaajiso SEO kaaga waa inaa soo gudbisa qoraalo qiimo leh oo ka jawaabaya suaalaha uu qabaa qofku wax baaraya ama daboolaya bahidii akhristaha.
2) Samee Daraasad ku saabsan Eray fureedka(Keyword Research).
Eray-fureedyadu waa ereyda ay dadku badankood isticmaalaan, marka ay rabaan inay internet-ka si guud wax uga raadiyaan, si ay u helaan waxa ay raadinayeen.
Doorkaaguna ka SEO ahaan waa inaad ogaato ereyada ugu saamaynta badan, looguna raadinta badan yahay, ee la xidhiidha niche-ka aad wax ka qorayso, ama si guud aad uga hadlayso.
Halkan waxaa ah tabooyin aad raaci karto si aad u samayso daraasad kuu gaar ah:
- Adeegso aaladaha sameeya daraasaadka erey-fureedyada (keyword): Waxaa jira aalado badan oo sameeya daraasado iyo isbarbardhigyo ku saabsan erey-fureedyada, sida Google Keyword Planner, Semrush, iyo Ahrefs, kuwaas oo kaa caawinaya inaad ogaato ereyada loogu raadinta badan yahay.
- Xulo ereyada leh tartan hoose, iyo raadin sare: Isticmaal ereyada uu tartankoodu hooseeyo, isla mar ahaantaana la raadiyo, si ay kuugu fududaato inaad durbadiiba ka soo muuqato kaalmaha hore ee najiitooyinka raadinta.
Gabagabo
Wanaajinta SEO-ga website-kaaga ama blog-kaaga waa geedi socod joogto ah, oo aan dhamaad lahayn, oo u baahan in si xeeladaysan loo fuliyo talaabooyin badan oo kala duwan.
Markaad adeegsato farsamooyinka kor ku xusan, waxaad sare u qaadi kartaa qiimeynta SEO-ga website-kaaga, taas oo kuu keeni doonta booqdayaal badan, dhisi doonta kalsoonida booqdayaasha, kor u qaadi doonta adeegsiga website-kaaga.
DHAMAAD
0 Comments